Annaga
Nagu Saabsan
Fursad Investment waa shirkad Soomaaliyeed oo kala shaqeeneysa hal-abuurada Soomaliyeed in ay helaan maal-gelin lacageed iyo mid qibradeed taas oo u sahleeyso in ay hal-abuurkooda ganacsi ubadalaan mid shaqeenaya.
Fursad investment waa halka ay ku kulmaan maal-geliye yaasha iyo hal-abuurada. Waxayna kuu suura gelineysaa in aad feker-kaaga (Hal-abuur kaaga) u hesho maal-gelin lacageed, sida ugu sahlan uguna macquulsan.
Fursad investment waxa ay kusiineesaa fursad aad kusoo bandhigto hal-abuur kaaga ganacsi iyada oo kula kulansiineysa guddi maal-gashadayaal ah kuwaas oo qiimayn ku sameyn doona islamarkaas-na go’aan ka gaarai doona hal-abuur kaaga ganacsi, taas oo hadii ay u arkaan in uu yahay mid miro dhal noqon kara ay ku siin doonaan maal-gelin.
Waxaan kaa caawinaynaa in hal-abuur kaaga ganacsi u nidaamisid si xirfad leh, adiga oo helaya hagid, qorshe cad, iyo taageero dhamaystiran oo kugu hogaaminaya guul waarta.
Waxaan kaa caawinaynaa inaad adeegsato teknooloji-yada ugu fiican si aad ugu fududeysato howlaahaaga oo aad u dardar geliso kobacaaga.
Waxaan kugu garab taagnaan doonaa dhammaan marxaladaha socdaalkaaga ganacsi, si aan u hubinno guushaada.
Habraac
Ka hor inta aysan maal-gashadayaasha maalgelin fikradda ganacsi, waxay hubinayaan in ay jiraan cilada laxiriira badeecada ama adeegga la qorsheeyo in labixiyo (Product or Service), sida qaab dhismeedka ganacsiga (Business Model), sax ahaanshaha qarashaadka la qorsheeyay (Budget) iyo dakhli-ga la rajeenayo (Sales / Profit). Guddigu waxa ay maal-gelin karaan lacagtooda, ama waxa ay maal-gashi sameyn karaan iyaga oo wakiil ka ah maal-gashadayaal kale.
- 1
Waxa aad buuxineysaa FORM-KA codsiga si dhameystiran
- 2
Hadii codsigaaga la aqbalo, waxaad soo xaadireysaa kulan furan oo aad kula kulmeysid gudi maal-gelin.
- 3
Waxaad gudiga hortiisa ka jeedineysaa hal-abuur kaaga ganacsi, waana ka jawaabeesa su’aalaha la xiriiro hal-abuur kaaga ganacsi
- 4
Islagoobta waxaad ku heleesaa jawaabta gudiga taasoo noqon karta:
- Maya (Kuma guuleysan maal-gelin)
- Haa (waxaad ku guuleysatay maal-gelin)
- Waxaa loo baahanyahay xogo dheeraad ah.
- Waxaa loo bandhigayaa bulshada guud